Maxaa Ka Jira In Xilka Laga Qaadaayo Saadiq Joon

Somalia news

Maamulka Villa Somalia ayaa sii wada Ololaha Xilalka looga Qaadaayo Mas’uuliyiinta taageersan Wasiirkii 1-aad Mr.Xasan Cali Kheyre, iyadoo uu amar ku bixiyay Mr.Farmaajo in Xilalka laga qaado Saraakiil Ciidamada iyo Mas’uuliyiin taageersaneyd..

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Horjoogayaasha Saadiq Joon iyo Faarax Qaroole ay noqon doonaan kuwa ugu horeeya ee Xilalka laga qaado, bacdamaa la la xiriirinaayo iney daacad u ahaayeen Mr.Kheyre.

Inkastoo Talaabadaan la sheegay iney sii kala fogeyneyso Mr.Qorqor iyo Mr.Farmaajo, iyadoo la amray Madaxa Boliiska in Xilalka Labadaan Horjooge lagu bedelo kuwo Villa Somalia daacad u ah.

Sidoo kale, Waxaa lagu wadaa In Mas’uuliyiin xilal ka heysa Xafiisyada Wasaaradaha iyo Hey’addaha Dowlada Oo taageersanaa Mr.Kheyre iyagana ay xilalkooda laga qaadi doono

50430cookie-checkMaxaa Ka Jira In Xilka Laga Qaadaayo Saadiq Joon