Muran Ka Taagan Goobta Doorashada Garoowe Lagu Qabanaayo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Muran ayaa ka taagan xarunta lagu qabanayo Doorashada Golaha Shacabka ee ka dhacaysa Caasimadda Garoowe, iyadoo Maamulka uu diyaariyay Goob doorasho Oo ay Musharixiinta qaarkood ay ka biyo diideen in Goobtaasi lagu qabto..

Warar madax-bannaan ayaa sheegaya in Maamulka Madaxweyne Siciid Deni ay doonayso in Doorashada Golaha Shacabka lagu qabto Xerada 54-aad ee Ciidamada difaaca Puntland ku leeyihiin dhanka waqooyi ee magaalada Garoowe.

Waxeyna dayac-tir ku bilowday Hoolka Xerada 54-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland si halkaas loogu qabto Doorashada xubnaha Baarlamanka ee la qorsheeyay in ay ka dhacdo Garoowe.

Dhinaca kale Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in rag saamayn ku leh Doorashada iyo qaar kamid ah dadka u tartamaya Kuraasta Golaha Shacabka ay diideen Arrintaas.

157200cookie-checkMuran Ka Taagan Goobta Doorashada Garoowe Lagu Qabanaayo