Tiro Askar Dowladda Ka tirsan oo Lagu Weeraray Degaan Ku Degmada Baraawe

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo lagu dilay qarax ka dhacay duleedka degaan ku dhow Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxaan uu ahaa mid lagu aasay dhisme jingado ka aameysan oo bar kontrol aheyd Ciidamada DF ku leeyihiin degaanka Impressa oo 5km Koonfur kaga toosan degmada Baraawe, ilaa Saddex askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ay ku geeriyooday qaraxaasi, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo kale oo ka tirsan DF ayaa ku baxay goobta uu qaraxaas ka dhacay oo burbur xooggan uu soo gaaray, iyagoo halkaas ka daad gureeyey meydadka iyo dhaawacyada askarta waxyeelodu soo gaartay.

191430cookie-checkTiro Askar Dowladda Ka tirsan oo Lagu Weeraray Degaan Ku Degmada Baraawe