Dagaal-Mindhicireedkii Farmaajo va Rooble Oo Dib u Qarxay

Somalia news

Kadib markii Rooble uu ku adkeystay eryidii 7-Xubnood Ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada isla markaasna ay Villa Somalia isku dayo dhowr ah ku fashilmeen ayeey bilaabeen dagaal iyo dacaayado ka dhan ah Mr.Rooble Ee ku aadan Doorashooyinka iyo Qodobo kale aso loo dhaawaco sumcadiisa…

Ujeedada Wwerarkaan ee Villa Somalia ayaa salka ku heysa sidii jillaafo u dhigto geedi socodka Doorashada, iyadoo dhowr jeer isku dayday iney dib u dhigto si Madaxtooyada uu usii joogo Madaxweynaha kalsoonida waayay ee M.Farmaajo, waxeyna qaaday tallaabooyin ay ku cuuryaamineyso Doorashooyinka, iyagoo diyaarisay dacaayado ka dhan ah dedaallada uu wado Ra’iisul Wasaare M.Rooble.

Villa Somalia oo aan ku qanacsaneyn sixitaanka khaladaadka ka dhacay Doorashooyinka ayaa bilawday tallaabooyin ay ku lugo-qabaneyso Doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda Dalka, Mr.Rooble ayaa 18kii Bishaan shaqada guddinimo ka saaray 7 xubnood oo katirsanaa Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka kaddib markii ay jebiyeen anshaxa iyo xeerka shaqadooda iyagoona dhumiyay dhexdhexaadnimadii.

Danjiraha Boqortooyada UK ayaa dalbatay in culeyska laga hor wareejiyo Doorashada Soomaaliya si loogu soo gabagabeeyo waqti kooban, Mrs.Kate Foster ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Doorashada lagu soo gabagabeeyo ugu badnaan 2 bil si aan waqti kale loo dhumin.

157230cookie-checkDagaal-Mindhicireedkii Farmaajo va Rooble Oo Dib u Qarxay