Kulanka Wadatashi ah Oo U Furmaaya Dowladda Federaalka & Maamulada Gobolada

Somalia news

Waxaa lagu wadaa inuu ka dhawaan ka furmo Kulan wadatashi ah oo ay yeelanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kaasoo la filaayo in lagu qabto magaalada Mogadishu, kulankaan ayaa ku soo beegmay xili Dagaal dhiig ku daata uu shalay ka dhacay magaalada Baydhabo…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kulankaan lagu wado iney ka soo qeyb galaan dhamaan Madaxda Maamulada waxaana looga doodi doonaan 3-Qodob oo muhiim u ah Hanaanka Federaalka kuwaasoo kala ah:-

-Amniga gudaha iyo Dagaalada kooxaha argagixisada

-Awood qeybsiga Dhaqaalaha, Maaliyada & Canshuuraha

-Garsoorka & Cadaalada

Qodobadaan oo ah kuwo Dastuuri ah una baahan in la waafajiyo Nidaamka Federaaleynta ah kana madax banaan xariga jiidka siyaasada si loo dhiso Dowlad Federaal ah, inkastoo xiligaan uu dalku cagaha la galay jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay Muddo kordhin ay sameysteen Maamulada Gobolada.

Si kastaba ha ahaatee rajo weyn lagama qabo in heshiis deg deg ah laga gaaro Qodobadaan, kuwaasoo saldhig u ah dhismaha Dowlad Federaal ah oo Soomaaliyeed, iyadoo ay xiligaan jiraan Khilaafyo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Maamulada Puntland, Konfur galbeed kuwaasoo ilaa hadda aan xal laga gaarin xalintooda.

232830cookie-checkKulanka Wadatashi ah Oo U Furmaaya Dowladda Federaalka & Maamulada Gobolada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com