Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Dhulka la sheegay in lagu eedeeyay inuu leeyahay Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsinta uu leeyahay Ganacsade ka soo jeeda Beelaha Habar gidir xiriir hoosena kala dhaxeeyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Dowladdana ku leh Deyn…
Xogtaan ayaa sheegtay in Ganacsade Galad Adan Tahliil (una Adan Dhakal), oo qaraabo hoose la ah Mr.Qorqor ayaa la sheegay inuu deyn badan Ku leeyahay Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana deyntiisa loogu bedelay in Dhulka xeebta Liido iyo mid ku yaal agagaarka Dugsiga Sare Ee Boliiska iyo Xarunta Ciidamada Badda una dhow Afisioni, la siiyo iyo in Madaxa Canshuuraha Dekada Mogadishu loogu magacaabo Nin ay Qaraabo hoose yihiin, si loogu fududeeyo Gadiidka Bulletproof ah oo uu ka soo dejiyo Dekada.
Wararka ayaa sheegay in Gen.Odawaa uu ka hor yimid Go’aanka isagoo culeys ku saaray Madaxweynaha inuu Wareegto ku soo saaro dhulka Muranka ka taagan yahay, taladaasi ayaa la sheegay inuu Farmaajo diiday, wuxuuna Kiiska ku wareejiyay Rooble iyo Wasiirka Amniga iyagoo ku wargeliyay Ganacsatadaha inuu dhisto Dhulka la siiyay.
Guddi uu u magacaabay Mr.Odawaa Oo 11-xubnood ah ayaa ku taliyay in Ganacsadaha loo daayo dhismaha iyo dhulka bacdamaa Madaxtooyada Villa Somalia ay bixisay, wuuna ku gacan seyray Odawaa, Fadeexadaan ayaa la sheegay iney ka dambeeyaan Farmaajo, Fahad iyo Qorqor, iyagoo qorsheeyay in Eedaha loo saariyo Rooble si ay culeys ugu saaraan in Doorashada loo daayo iney boobaan.