Saraakiisha Safaaradaha Somalia Oo Isku Shandheyn Lagu Sameeynaayo

Somalia news

Warqad ka soo baxday 20-ka bishaan Wasaaradda Arrimaha Dibeda ayaa xarumaha safaaradaha iyo Qunsuliyadaha ee Somalia lagu amray in laba maalmood ku soo gudbiyaan warbixin dhammeystiran oo la xiriirta shaqada u Qeybsamayaasha safaarad kasta oo Dalku ku leedahay wadama caalamka…

Macluumaad dheeraad ah oo laga helay Wasaarada ayaa sheegeysa in Wasiirka Arrimaha Dibeda Cabdisiciid Muuse Cali uu u sheegay Xog-hayaha joogtada ee Wasaarada arrimaha dibedda Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji inuu jiro isbaddel lagu sameyn doono dhamaan U-qeybsamayaasha isla markaana dhowaan loo soo gudbin doona liiska xubnaha la magaacabi doona oo ka imaanaya dhinaca Xafiisyada madaxweyaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo.

Wararka ayaa sheegay in Saraakiisha la magacaabayo ayaa qorshuhu yahay in ay deg deg shaqooyinkooda ula wareegaan halka kuwii horana la kala diri doono maadaama sida ay uu Mustaqbal u sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada, inta uusan soo dhameystirmin Xildhibaanada Golaha Shacbiga.

“Farmaajo waxa uu doonayaa in dhamaan diblomaasiyiinta, ka shaqeeya wasaaradda arrimaha dibada uu ka dhigo shaqaalaha xafiiskiisa iyo kuwa ugu dhow ee baraha bulshada taageera, waa dhaqan ku cusub wasaaradda” ayaa lagu yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha.

158090cookie-checkSaraakiisha Safaaradaha Somalia Oo Isku Shandheyn Lagu Sameeynaayo