Agaasimihii Canshuuraha Beriga Oo Baxsaday Kadib Amar Qabasho oo loo Jaray

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Warqad qabasho oo loo jaray Agaasimihii Cabshuuraha Beriga ee Wasaarada Maaliyada Muxyadiin Xasan Jurus (Saabeey), kaasoo xilkaan hayay 10-kii sano ee u dambeysay lana soo shaqeeyay 2-Maamul, isagoo lagu eedeeyay inuu lunsaday Dhaqaale badan…

Xogtasn ayaa xaqiijisay in Taliyaha qeybta Boliiska ee Gobolka Banaadir Macalin Mahdi uu shalay labo jeer tagey Xafiiska Muxyadiin Saabeey iyo Hoygiisa, Ujeedka Sarkaalkaan uu xafiiska u tagay ayaa ahayd inuu soo xiro Agaasimahaan eedeysan, kadib amar qabasho oo uu soo saaray Xeer ilaaliyaha.

Wararka ayaa sheegay in Mr.Muxyadiin Jurus oo wata tiro Gaadiidka dagaalka uu habeen hore guure uga baxay Caasimada iyadoo ay ilaalo ka yihiin Tiro Dabley oo ku heyb ah, wuxuuna gaaray isla shalay tuulada Guulane oo uu ka soo jeedo kana tirsan Degmada Aadan Yabaal, wuxuuna ka wadaa degaankaasi abaabul uu isku difaacaayo.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya iney Agaasime Jurus iyo Xasan Sheekh muddo isku dhacsanaayeen, iyadoo uu Agaasimahaan la sheegay inuu isku diyaarinaayay inuu Xilka iska casilo isla markaasna u tartami xilka Madaxweynaha Hirshabelle Sanadka soo socda.

261740cookie-checkAgaasimihii Canshuuraha Beriga Oo Baxsaday Kadib Amar Qabasho oo loo Jaray