Xoolo-Dhaqatada Gobolka Hiiraan oo ka Cabanaaya Cuddur Xoolaha ka Laayay..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaaya in in halkaasi maalmahii lasoo dhaafay dilaacay cuddur aan la aqoon oo xoolo badan ka laayay kaasoo noociisa iyo waxa sababay la aqoon waayay..

Wararka ayaa sheegaya in Cuddurkaan oo ah mid ku cusub Degaanka iyo Xoolaha waxeyna sheegeen inuu galaaftay xoolo aad u tiri badan oo aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin, Guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in cudurkaan uu xoolahii ka laayay ilaa 62 qoys oo ka mid ahaa xoolo dhaqatada Degaanka.

Dadka ku nool Degaanada hoostaga Maxaas ayaa ah dhamaantood dad xoolo dhaqato ah, waxayna haatan wajahayaan walwal xoogan oo la xariira in xoolahooda ay kaga dhamaadaan cudurkaan ku dhacaya ee aanan la garaneyn, iyagoo kacodsaday Dowlada Federaalka iyo Hey’adaha Samafalka iney u soo gurmadaan io Sambalo iyo qaado Xooloaha buka sido loo ogaado nooca Cuddurka.

306830cookie-checkXoolo-Dhaqatada Gobolka Hiiraan oo ka Cabanaaya Cuddur Xoolaha ka Laayay..