30-kii saac ee u dambeeyay ayaa waxaa la sheegay in Wakiilka Farmaajaha Fashilmay (Biixi) uu kulamo hordhaca ah la yeeshay Horjoogayaal Maleeshiyaadka Beesha Xawaadle, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah Oo ay ugu horeyso sidii ay u oggolaan lahaayeen in Cali Guudlaawe laga geeyo Magaalada B/weyne…
Qorshahaan Oo ay Wada dejiyeen Farmaajo iyo Fahad ayaa ku qotinta sidii inta badan 25-Kursi ee Magaalada loo boobi lahaa iyadoo la kaashanaayo Xubnaha xiligaan horboodaya Siyaasada Beesha, isla markaasna loo abuuri lahaa jawi nabadeed Oo ay Doorashada ku dhici karto, si marka Hore ay halkaasi u tagaan Cali Guudlaawe iyo Eedeysane Fahad.
Wararka ayaa sheegay in Tagista Magaalada ee Cali Guudlaawe oo qorsheysneyd iney dhacdo berito oo Arbaca ah uu dib u dhac ku yimid, kadib markii ay diideen Horjoogayaasha Maleeshiyaadka, waxaana lagu wadaa in Horjooge Xuud loo soo qaadi doono Magaalada Mogadishu si uu ula kulmo Farmaajo iyo Fahad heshiisna ula saxiixdo, iyadoo Kooxda loo balanqaaday taageero Siyaasadeed mid Dhaqaale iyo Jagooyin.