Ma Dhabaa in USA ay Hakiyeen Saadkii & Sahaydii ay Ku Taageeri jireen Ciidamada Danab & Sababta…

Somalia news

Dowlad Mareykanka ayaa hakisay isla markaas baaris ku bilaawday Deeqdii Saadka & Sahayda ay ku taageeri jirtay muddada dheer Guutada Danab ee Xooga Dalka, kadib markii ay soo shaac baxday fadeexad musuq-maasuq oo ballaaran, Sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA)..

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Safaarada USA ee Nairobi kulam ay la yeesheen Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu wargeliyay in aan loo dul qaadan karin Boobka lagu hayo Saadka iyo Sahayda Ciidamadaan isla markaasna Suuqyada dib loogu iib geeyo, iyadoo la xaqiijiyay iney ku lug leeyihiin Qoyska, Howlwadeenada Madaxtooyada & kuwa Ciidamada.

Fadeexadan ayaa astaan u ah fashilka muuqda ee ka jira Hogaanka sare ee Dowladda, Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad u sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay la dagaalanka musuq-maasuqa iyo in maxkamad la soo taago mas’uuliyiinta musuq-maasuqa ku kaca, ayaa haddana cadeymaha la helay ay muujinayaan xaqiiqo ka duwan kuwii hore, Dembiyada soo noqnoqda ee aan Maxkamadda la horgeynin.

Maamulka Villa Somalia ayaa Mudnasnta Muwaadinka Aqoonta leh ka door biday inuu Xilalka ku xaabiyo Kaadiriintiisa Xisbiga Demu jadiid, iyadoo Kiisaaka siyaasadeysan ee Dembiyada dhaca ee Maxkamadaha la horgeeyo ay inta yihiin kuwo lagu xusho Mas’uulitiinta laga shakiyo ineysan taageersaneyn, talaabadaani oo sii fogeynesa rajadii laga qabay in Dalku yeesho Dowlad sal adag oo aqoon iyo karti lagu soo xulo.

323360cookie-checkMa Dhabaa in USA ay Hakiyeen Saadkii & Sahaydii ay Ku Taageeri jireen Ciidamada Danab & Sababta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *