Heshiis laga Gaaray Maalgelinta Xarumaha Dhaqan celinta ee Maleeshiyaadka Kooxaha Argagixisada

Somalia news

Warar laga helay Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa sheegaya in Somalia iyo Dowladaha Deeqaha bixiya ay heshiis ka gaareen maalgelinta Xarumaha Dhaqan celinta Maleeshiyaadka ka soo goosta Kooxaha Argagixisada, kadib markii muudo uu hakad galay Dhaqaalaha lagu socod siinaayo Mashruucaasi..

Wararka ayaa sheegay in Dalalka Deeq bixiyayaasha gaar ahaan Germany & UK ay soo jeediyeen in Dowladda Federaalka ay si tartiib ah ula wareegto Dowladda Federaalka Maalgelinta Xarumahaasi iyo Socod siinta Howlahaasi, Madaxda IMO oo u xil saarnaa Maalinta Mashruucaan ayaa dhamaadkii sanadkii hore sheegay ineysan soo gaarin Dhaqaalihii lagu socod siin lahaa Mashruucaasi, talabadaasi oo qarka u saartantay in Maleeshiyaadka la kala diro.

Xarumahaan ayaa ku kala yaala Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo & Mogadishu, iyadoo Xarunta Caasimada ay ku jiraan 250-Maleeshiyo, waxaana ka howl galaayay 86-Isugu jira Haween Iyo Rag kuwaasoo aan muddo 3-bilood ahna qaadan wax Gunno ah Raashinkiina laga goostay, waxaana la sheegay in Dowladda & Deeq bixiyayaasha ay ku heshiisyeen in dib loo bilaabo dhaqaalaha ku baxaaya mashruucaan Dowladana ay la wareegi doonto Sanadka soo socda.

248680cookie-checkHeshiis laga Gaaray Maalgelinta Xarumaha Dhaqan celinta ee Maleeshiyaadka Kooxaha Argagixisada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com