Ma Dhabaa in Degaano Dib loo Dhigay Doorashooyinka Degaanada Puntland

Somalia news

Inkastoo Saaxiibada Somalia ay Bogaadiyeen Doorashada Degaanada Puntland oo qorsheysan iney dhacaan 25-ka Bishaan, ayaa haddana waxaa soo shaac baxaaya Warar la xiriira in degaanada qaarkood dib loo dhigaayo halka Sanaadiiq Degaano loo waday ay dhaceen Maleeshiyaad Hubeysan..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in degaanada Garoowe iyo Burtinle ay gudigga Doorashooyinka ay go’aamiyeen iney dib u dhigaan muddo 20-Maalmood arrimo farsamo dartood, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan in aan weli lagu guuleysan in Maleeshiyaadka hubeysan ee degmooyinka kor ku xusan aan weli lagu qancin iney Jid-gooyooyinka ay dhigteen ka qaataan.

Dhanka kale, Dabley hubeysan ayaa gudaha magaalada Garoowe qori caaradiis ku qaatay tiro Sanaadiiqdii loogu tala galay magaalada Garoowe, kuwaasoo gubay, halka Guri uu degenaa mid ka mid ah Saraakiisha Madaxtooyada( Ina Ganbool) ayaa waxaa weeraray Dabley aan heybtooda la aqoon, lama yaqaano khasaaraha ka dhashay.

https://www.facebook.com/100067401440239/posts/pfbid02vdgGwWp23MgDKtYZ67NAsRswbdzmTBHGMR6ZziYZvcv7V28YaYVWQV6GsEXsXyjjl/?

257370cookie-checkMa Dhabaa in Degaano Dib loo Dhigay Doorashooyinka Degaanada Puntland