Dhibaatada Ay Ciidamada Dowladda Ku Hayaan Shacbiga Oo Korortay

Somalia news

Dhibaatada Ciidamada Dowladda Federaalka ay ku hayaan Dadka Rayidka ah iyo Wadayaasha Gadiidka, gaar ahaan kuwa taagan wadooyinka Magaalada Mogadishu, ayaa aad u korortay iyadoo aysan jirin cid iska xil sareysa wax ka qabashada murugadaan…

Wadayaasha Gadiidka iyo noocyada Mootooyinka ayaa sheegaya in maalin kasta ay bixiyaan lacago baad iyo laaluush ah, oo ay qori caaradiis ku doonayaan Askarta wadooyinka magaalada taagan, taas oo si qasab ah looga qaado, waxaana jira warar sheegaya in Dhaqaalahaan inta badan ay jeebkooda ku dhacaan Taliyayaasha Ciidamada Boliiska iyo kan Gobolka Benadir, waxaa sidoo kale la sheegay in Hogaanka NISA iyaguna qaataan Lacagahaan baada ah.

Wadayaasha ka dhaga adeega iney bixiyaan lacagta, ayaa loo geystaa jirdil iyo handadaad, iyadoo qaarkoodna laga xareeyo gaadiidkooda, kadib markii lagu eeddeeyo inay yihiin argagixiso, isla markaana la tuhmayo, waxaana isku cel-celis maalintii laga qaadaa Halkii Gaari ama Mooto 20-10 US$, iyadoo dilalka bareerka ah ay joogto noqdeen, xitaa Gadiidka Gurmadka ayaa rasaas loo adeegsadaa.

Wal-walkaan ay Shacabka Magaalada Mogadishu dariska la noqdeen, ayey ugu biirtay tii amni xumo, iyo caqabadii ka heysatay xirnaanshaha Wadooyinka muhiimka ah, waxaana garabyada Dowladda Federaalka ay u muuqdaan kuwo iska indhatiraaya Dhibaatada ay Shacbigu wajahayaan xiligaan adag.

163110cookie-checkDhibaatada Ay Ciidamada Dowladda Ku Hayaan Shacbiga Oo Korortay