Maxay ka Wadahadleen Wasiirka Gaashaandhigga & Danjiraha Qatar

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan ka dhacay Xafiiska Wasiirka Gaashandhigga ee Dowladda Federaalka Mr.Cabdulqaadir Maxamed Nuur uuna la yeeshay Danjiraha Maamulka Dooxa ee Somalia Mr.Hassan bin Hamza, iyadoo looga dooday Qodobo dhowr ah..

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Wasiirka ayaa looga hadlay arrimo muhiim u ah labada dal, sida uu sheegay Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, “Waxaan maanta kulan la qaatey Danjiraha Dowlda Qatar ee Somalia Mudane Hassan bin Hamza oo aan ka wada hadalney arrimo muhiim u ah labada dal ee walaalaha ah.”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa intaas ku daray “Qatar waxay kaalin muhiim ah ka qaadataa dib u dhiska nidaamka dowladnimadeena iyo amniga intaba.”

163140cookie-checkMaxay ka Wadahadleen Wasiirka Gaashaandhigga & Danjiraha Qatar