Wasiirada Arrimaha Dibeda ee Dawladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay qadiyadda aqoonsiga Somaliland, kadib markii dhawaan Baarlamaanka UK ay dood ka yeesheen arrintan, waxeyna sheegtay iney ula Dhaqmaan Maamul ka mid ah Somalia..
Raychelle Omamo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi ah in loo aqoonsado dal madax-bannaan, Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkii hore dood dheer ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.
Doodda oo hal saac socotay, barlamaanma UK wax go’aan ah kama gaarin arrinta qadiyada Somaliland, Wasiirka arrimaha Afrika ee dowladda UK ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu yahay aqoonsi ku xiran dowladda Somalia.
1636410cookie-checkKenya:-Somaliland Waa Qeyb ka mid ah Somalia