AU-da & Somalia Oo Ka Tashanaaya Masiirka Amniga Dalka

Somalia news

Guddiyo ka kala Socda AU-PCS & Dowladda Federaalka ayaa ku shiray Magaalada Addis abeba Waxeyna ka wada hadlayaan Xaalada kala guurka ee Howlgalada Amisom iyo Sidii Ciidamada Dowladda Federaalka ula wareegi lahaayeen Mas’uuliyada Amniga ee Sanadka 2022-ka…

Kulankaan ayaa daba socday Howlaha dib u habeynta iyo Qaabka looga guuraayo Howlgalada Amisom Oo Soo bilaawday Sanadkii 2007-dii, si loo xoojiyo Qorshaha Ciidamada Dowladda lagu garab istaagaayo dib u hanashada Mas’uuliyada Amniga Dalka Oo xiligaan ay gacanta ku hayaan Ciidamada Amisom.

Guddiga Farsamo oo ay Dowladda Federaalka u xil saartay Waxaa hormuud u ah Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Gaashandhigga, Wuxuuna kala hadlay Xubnaha ka socda Guddiga AU-PCS, Sida ugu macquulsan ay Ciidamada Amisom Dalka uga bixi karaan una wareejin karto Amniga Dalka.

163670cookie-checkAU-da & Somalia Oo Ka Tashanaaya Masiirka Amniga Dalka