Maxaa Xiligaan Keenay Kororka Kooxaha Argagixisada Ee Qaarada Africa

Africa News

Waxaa bilihii ugu dambeeyay aad u kordhay Weerarada qorsheysan ee Kooxaha Argagixisada Hubeysan ku hayaan Dalalka Qaarada Africa, gaar ahaan Weeraradii Farsiinka ugu weyn Ciidamada Mali, Dhibaatada ay kooxda argagixisada ku hayaan Mozambique Repubblic, Weerarkii Kooxda Shababka ee Ethiopia iyo tiradii ugu badneyd ee Maxaabiis argagixiso ah oo ka baxsatay Xabsi ku yaal Nigeria…

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaya in Khilaafka xoogan ee Hogaanka Siyaasada ee Ethiopia & Somalia uu dhaxeeya uu ragaadin karo Dadaalada loogu jiro sidii meel looga soo wada karo kooxaha Argagixisada ee dhibaatada amni ku haya Dalalka Kenya, Ethiopia & Somalia, iyadoo xuduudaha u dhaxeeya Dalalkaan ay xiligaan si dadban u maamulaan kooxda Shababka.

Khabiirada ku xeel dheer arrimaha kooxaha argagixisada ayaa ka digay in Kooxahaan Argagixisada ee xiriirka la leh Ururka Al-Qa’ida (Ururada ka howlgala Gobolka Saxil), kuwa Boko Haram, kooxda Shababka iyo Ururka Maqrib ( AQIM), ay yihiin ku halis ku ah jiritaanka Qaranimada Qaarada Africa.

Iyadoo khabiiradu aaminsan yihiin in dagaalka Dalka Ukraine ee u dhaxeeya USA & Russia uu xagal daaciyay Dadaalada Africa sidii ay u xakameyn lahaayeen kooxaha Islaamiyiinta iyo Khilaafyada Dowladaha Africa u dhaxeeya ay yihiin kuwa horseeday Kororka Kooxaha argagixisada ku darsoo Abaarta, Maamul xumida iyo shaqo la’aanta ayaa rajo geliyay iney Dhaliyarada Africa ay ku biiraan kooxaha Argagixisada.

206620cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Kororka Kooxaha Argagixisada Ee Qaarada Africa