Kooxda Argagixisada Shababka Oo Burburin & Barakicin ka Wada Gobolka Galguduud

Somalia news

Macaluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka ayaa xalay gubay tuulada Xanan oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degaanka Baxdo ee Hobolka Galguduud, iyagoona burburiyay baraagihii ay dadku biyaha ka cabayeen…

Wararka ayaa sheegay Dableydaani ay dab qabadsiiyeen dhammaan guryihii ku yaallay tuuladaasi, waxaana Xalay ilaa Saakay bannaanka ku hoyanaya qoysaskii daganaa guryahaasi oo u badnaa haween iyo carruur, iyadoo aysan jirin wax gargaar ah iyo gurmad ay u fidiyeen Dowlada Federaalka iyo Maamulka Qorqor ee Galmudug.

Dhawaan ayey aheyd markii ay kooxdan sidan si la mid ah burburiyeen ceelashii biyaha iyo xarumihii isgaarsiinta ee deegaanka Cada-kibir oo iyana hoostagta isla degmada Baxdo.

211960cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka Oo Burburin & Barakicin ka Wada Gobolka Galguduud