Musharax Xildhibaan Oo Xalay Lagu Dilay Mogadishu

Somalia news

Dabley hubeysan oo ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka ayaa xalay waxey ku dileen Degmada Wadajir ee Gobolka Benadir Musharax Xildhibaan oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan kana mid ahaa Howlawadeena Maxkamadaha Islaamiga ah…

Wararka ayaa sheegay in Marxuum Cabdiraxman Ibraahim Macow oo muddo dheer ka mid ahaa Maxkamadaha Islaamiga iyo Ururkii Xisbul Islaam, haatana u sharaxnaa Hop#058 ee degaan doorashadiisu tahay Gobolka Hiiraan, Marxuumka ayaa lagu toogtay Masaajidka banaankiisa xilli uu ka soo baxay Salaada Cishaha Sida ay sheegeen Goobjoigayaal.

Inta badan xiliyadaan marka la guda galo Doorashada, waxaa caado noqotay iney kordhaan Dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo Musharixiinta, Ergada wax dooraneysa iyo Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaaya Ergada, iyadoo ay inta badan falalkaan Dilka ah ay sheegtaan Kooxda Argagixisada Shababka.

163860cookie-checkMusharax Xildhibaan Oo Xalay Lagu Dilay Mogadishu