Kulanka Saraakiisha Ethiopia iyo Somalia Ee Baydhabo

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helay Kulamo ayaa yeesheen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ethiopia, Eritrea iyo Somalia, Kulamadaan ayaa aad looga dooday sidii loo weerari lahaa Degaanada Dowlad goboleedka Jubbaland loogana xoreyn lahaa…

Xogtaan ayaa u tilmaamtay Diinah.com, in iyadoo ay soo ga oga our ku dhowdahay Dhismaha Ciidamada iyo Keydka Hubka, Isla Markaasna la dhisay xarun dhexe oo Magaalada Baydhabo u noqotay Abaabulka Ciidamada, ayaa hadda la bilaabay sidii maamul (Dowlad goboleed) gacan ku rimis ah oo taabacsan siyaasada Farmaajo looga dhisi lahaa.

Waxaa xalay ku hoyday Xarunta ciidamada Ethiopia ku leeyihiin Baydhabo labo Generaal, kuwaaso kala ah Taliyaha Ciidanka gobolada bari ee Ethiopia & Taliyaha Hoggaanka Howlgalinta Ciidanka Ethiopia iyagoo safar aan hore loosii shaacin ku yimid Koonfur Galbeed Somalia.

Sida xogta tibaaxeyso Generaladaasi oo aan lahelin magacyadooda Waxey magalaada Baydhabo kula kulmi rabaan Saraakiisha kasocota Ciidamada Dowlada kuwaaso ay hogaaminaya Taliyaha Qeybta 60-aad, Abdullahi Kulane Jiiz Mareexan & Abdirisaaq Mohamud Hagi Muxumed oo ah Agaasimaha Waaxda howlaha gaarka ee NISA.

Xogtaan ayaa ah in Ciidanka Ethiopia doorkooda uu yahay kaliya daabulida ciidanka Farmaajo iyo iney Ka taakuleeyaan Saadka iyo Talo bixinta ay la garab istaagi doonaan inta uu socdo howlgalkaasi, waxaana la filayaa inuu dhowaan bilaaban doono.

39390cookie-checkKulanka Saraakiisha Ethiopia iyo Somalia Ee Baydhabo