Weriyeyaal ka tirsan Ururka SJS oo lagu xiray Magaalada Baydhabo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ayaa sheegaya in Xoogaga Hey’adda Nabadsugidda ee Koonfur Galbeed ayaa xabsiga dhigay Saddex Weriye oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Ururka Somali Journalists, amarka xariga ayaa la sheegay inuu bixiyay Lafta gareen..

Wararka ayaa sheegay in Weriyeyaasha oo lagu xiray gudaha Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo oo ay maamulaan Ciidamada Ethiopia ayaa kala ah Maxamed Ibraahim Bulbul oo ah Xoghayaha Xuquuqda Aadanaha SJS, Hanad Cali Guuleed oo ah Xoghayaha Tababarrada SJS iyo tababare saxaafadeed Maxamed Bishaar.

“SJS waxay cambaareyneysaa falkan sharci darrada ah ee ka dhacay garoonka Baydhabo saaka ee lagu beegsaday hawl-wadeennada Somali Journalists Syndicate – SJS.  Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu siidaayo saddexda hawl-wadeen ee sharci darrada ku xiran” ayaa lagu yiri warka Ururka SJS.

228620cookie-checkWeriyeyaal ka tirsan Ururka SJS oo lagu xiray Magaalada Baydhabo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com