Share the post "Dowladda Federaalka & AU-da Oo Heshiis Ka Gaaray Xilliga Kala Guurka"
Is-faham guud & heshiis ayeey Dowlada Federaalka & Wakiilo ka socda AU-da ka gaareen, wada hadalo muddo dheer & dhib badan kadib, iyadoo shalay Muqdisho lagu soo af-jaray wadahadalladii Kala-Guurka oo sannad ku dhowaad u dhaxeeyay Dawladda Somalia iyo Midowga Africa sidii AMISOM dalka looga saari lahaa.
Heshiiska 09/02/22 wuxuu:-
- Beddelayaa amarka Golaha Amniga Qarammada Midoobay ee AMISOM ku joogto dalka.
- Beddelayaa magaca AMISOM, wuxuuna noqonaya ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia).
- Golaha Amniga Qarammada Midoobay wuxuu ATMIS siinayaa Amar cusub oo lagu kala-guurayo labo sano gudahood, dalkana uga baxaan.
- Kala-Guurka iyo bixidda ATMIS wuxuu bilaabmayaa maalinta la helo Amarka Golaha Amniga Qarammada Midoobay, kaas oo ah, sida la filayo 1da Abriil 2022. Amarka wuxuu dhammaanyaa 31/12/2022, maalinta askariga ATMIS ee ugu dambeeyo uu dalka ka tagayo, sida qorshaysan.
- Fulinta qorshaha kala-guurka waa la muddeey, ATMIS iyo DFS wuxuu mid walbo leeyahay waajibaad u gaar ah iyo kuwo wadajir ah.
- Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa waxay ATMIS iyo DFS ka taakulaynayaa xagga maalka iyo sahanka.
1670500cookie-checkDowladda Federaalka & AU-da Oo Heshiis Ka Gaaray Xilliga Kala Guurka