Golaha Wadatashiga Qaran Oo Kulan Yeelanaaya Caawa

Somalia news

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulan dhanka Zoom-ka ah caawa yeelanaya, iyagoo kaga arrinsanaya dardargelinta doorashada/xulashada Xildhibaannada Golaha Shacabka oo beryahan gaabis ku yimid..

Iyadoo muddo 15-maalmood ay ka harsan tahay mudada 40-ka maalmood ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aan weli saddex meel labo meel aysan gaarin, illaa haddana la doortay ilaa 110 Xildhibaan, Kulanka caawa ayaa ku soo beegmay, saacado kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu soo saaray Qoraal hanjabaad xambaarsan oo xayiraado safar dal ku galka ah lagu soo rogay shaqsiyaadka mas’uulka ka ahaa tallaabooyinka ka dhanka ah Geeddi socodka dimoqraadiyadda oo ay ku jiraan xarig aan caddaalad ahayn, caga-jugleyn loo geysto suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo ku-takri-falka iyo isdaba-marinta doorashada.

Inkastoo aanu Mareykanka shaacin shaqsiyaadkaas, balse ay ku jiraan rag xilal hore soo qabtay iyo kuwa hadda xil haya iyo Xaasakooda, waxaana la sheegay iney gaarayaan 54-Xubnood, liiskooda lagu wado in dhawaan la shaacin doono.

167010cookie-checkGolaha Wadatashiga Qaran Oo Kulan Yeelanaaya Caawa