Golaha Wadatashiga Qaran ayaa markii 7-aad muddo kordhin u sameeyay dhameystirka xulashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyagoo isku raacay in ugu dambeyn 15 bisha Maarso lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka…
Go’aankaan ay qaateen Golaha Watashiga ayaa imaanaya xili inta badan doorashada Golaha Shacabka ay si dardar leh ku socoto, Waxaa dhanka kale jirta in mudadii loogu talagalay doorashada oo ay qabatay Beesha Caalamka ay maanta ku eg tahay.
Qodobadii ka soo baxay Kulankaasi:-
-In Xulashada harsan lagu soo dhameeyo ugu dambeyn 15-Maarso.
-Wasiirka 1-aad oo Kaashanaaya Madaxweynaha Jubbaland uu u diro Guddi magaalada Garbagaarey si ay uga soo talo bixiyaan habka ay doorashada ku qabsoomi karto.
1714000cookie-checkWakhti cusub Oo Loo Qabtay Dhameystirka Doorashada Dadban