Dowlada Federaalka Miyeey u dejisay Qorshe Daadgureyn Ardayda Soomaalida Ee Ukraine

Somalia news

Waxaa maalintii 2-aad ka socda Dalka Ukraine Dagaal faraha looga gubtay una dhaxeeya Ciidamada Russia & kuwa Ukraine, iyadoo in ka badan 75,000 oo Arday Ajaanib ah oo ay ku jiraan kuwo Soomaali ah, oo wax ka barta Dalkaasi, ayaa codsanaya in laga caawiyo sidii ay uga bixi lahaayeen Dalka qalalaasuhu ka taagan yahay…

Ardaydaan oo ka kala yimid 155 Wadan, iyadoo Dalka Ukraine, ay leedahay laba Jaamaca dood oo caan ku ah ardayda Ajaanibta, sida; Karazin Kharkiv National University oo ay dhigtaan 4,277 arday oo ajaanib ah iyo Kharkiv National Medical University oo ay dhigtaan 4,215 arday oo ka yimid dibadda.

Ilaa hadda ma cadda qorshaha Dowladda Federaalka, uga degan Muwaadiniinta Soomaaliyeed, ee ku xaniban dalkaasi, oo intooda badan ay yihiin arday, inkastoo la soo shegay tiro aan badneyn oo ganacsiyo ku leh, magaalooyinka waaweyn.

Waxaa welwel iyo cabsi xoogan soo food saartay Ardaydaan oo qaarkood ku sugan Caasimada 2-aad ee Kharkiv (Ukraine), Ardaydaan Ma hubaan badqabkooda iyo inay awood u leeyihiin sii wadashada waxbarashadooda, xilli Ruushku uu duulaan & Duqeymo culus ku hayo Magaalooyinka Kiev, Kharkiv, Odessa, Mariupol iyo kuwo kale.

171370cookie-checkDowlada Federaalka Miyeey u dejisay Qorshe Daadgureyn Ardayda Soomaalida Ee Ukraine