Kulankii Maamulada Gobolada & kan Dowladda Federaalka oo lagu wado inuu Ka Furmo Mogadishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in kulankii Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo 11-ka Bishan (Berito) magaalada Mogadishu, iyadoo ay Shirkaani ka soo qeyb geli doonaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha dalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada..

Shirkan ayaa noqonaya midkii 2-aad ee ay yeeshaan Madaxda Maamulada Gobolada iyo Madaxweynaha tan iyo shirkii labada maalin socday ee ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia maalmo kadib doorashadii 15-kii bishii May 2022, waxaana lagu wadaa in looga hadlo, Arrimaha, Dhaqaalaha, Amniga iyo Abaaraha Dalka.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Shirkii Wasaaradaha Maaliyada Gobolada iyo kan Federaalka oo Maalmahaan ka socday magaalada Mogadishu lagu heshiin waayay Qeybsiga 93-Millions US$ ee Kabka Miisaaniyada iyadoo Wasiirada Gobolada ay soo jeediyeen iney qaataan 60%, halka Dowlada Federaalka ay u qorsheysay 40%, waxaana la isku raacay in lagu dhameeyo kulanka Madaxda ee berito bilaaban doona.

212540cookie-checkKulankii Maamulada Gobolada & kan Dowladda Federaalka oo lagu wado inuu Ka Furmo Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com