Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Kulankii u dambeeyay ee shalay galab dhex maray Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxii Xoogaga hubeysan ee PSF ee ka gadooday Maamulka Puntland ayaa isafgarad hordhac ah ka gaaray, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonyahay…
Wararka ayaa sheegay in Kulankaan oo ay soo qabanqaabiyeen Odayaasha Dhaqanka ee Degaanka, ayaa qayb-ahaan isfaham ka gaaray khilaafkii ka dhashay Hay’adda hubeysan PSF, ee sababay dagaalladii ka dhacay magaalada Boosaaso ee khasaaraha badan dhaliyay.
Labad dhinac ayaa ku balamay kulan kale oo lagu dhammaystirayo isfahamka hordhaca ah ee laga gaaray Arrinta PSF, si loo xalliyo Khilaafkii jiray, Warar qaar ayaa sheegaya in ugu dambeyntii maalinta Jimcaha lagu wado in labada dhinac ay gaaraan heshiis dhammaystiran.