Dib U Gocashada Dektetarnimada Oo Somalia Ka Hortaagan Demuqaraadiyada

Somalia news

Waxaa in ka badan soddon sano, laga sugayay siyaasiyiinta iyo madaxdii kala dambaysay, inay ku dhaqaaqaan sidii dalkeenna burbursan ay u samatabixin lahaayeen, iyagoo ka duulaaya burburkii ku yimid hanaankii Dowladeed Ee dalka kadib markii Kaligii Taliye uu xukunka xoog ku maroorsaday…

Ayaan darrose, Siyaasiyiinta xiligaan waxay ka badin waayaeen, amaba ay ku qanceen “qabashada doorashooyinka afartii sanaba marka ah”, iyadoo laga gaabiyay in la dhiso Hey’addo u adeega Shacbiga iyo Nidaam dowladeed oo sal adag.

Kaaga sii darane, kuwa hadda ku sugan Villa Somalia oo laga filayay ‘Dawlad-dhis & qaran-dhis – State building & Nation building), ayay la noqotay oo istuseen, kadibna go’aansadeen arrin aan laga filayn oo halisteed leh. Arrintaas oo ah dib u soo nooleynta nidaamka keli-talis-dhis ku dhisan “Making a Dictator”.

Hogaamiyihii Hore Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ka hadlaaya Kaligii Taliye wuxuu yiri:-

Hogaan aan albaabka Villada hor istaagi karin, haddana ku haminaaya inuu dhammaan dalkoo dhan gacanta ku dhigay, isagoo adeegsanaya dhaqaalaha Shacbiga Magaalada Mogadishu, caqliyadda Rooxaanta, Waayeelka xuurteysan (Ex Ubaxii Kacaanka iyo Baafinta beenta ee Baraha Bulshada.

Soomaalidu beri horay isku soo rafteen oo dirireen, welina si dhab ah uma garnaqsan mana heshiin, weyna kala aamin baxeen. Dad aan heshiin ahaynna, dawlad dalkoo idil ka wada talisa ma yeelan karaan, kumana heshiin karaan.

Si looga baaqsado dagaal dambe, waa in laysku wada qanciyay doorashooyinkaan baas. Taasna macnaheedu maahan in la yeeshay dawlad dalkoo idil ka talisa. Waxaan si dadban u noqonnay Maxmiyad ay leedahay beesha caalamku (UN protectorate) oo xarunteedu tahay XALANE, waxaana u fududeeyay Siyaasiyiinta xiligaan oo garaadkoodu uu hooseeyo.

Waxaan Hogaamiyayaasha Soomaalida Villa kula dardaarmayaa, inay ka waantoobaan afkaarta gurracan iyo siyaasadda dhalanteedka ah oo ay u soo jeestaan ku dhaqaaqidda iyo wax ka qabashada, amaba sii bilaabidda arrimahaan:-

Soo celinta isku dhegganaanta bulsho (social cohesion) ee Soomaalida

  • Gogol-qarameed loo dhigo Somalia idil (National Reconciliation)
  • Soo celinta xasilloonida (stability), amniga (security) iyo nabadda (peace) dalka
  • Dhismaha ciidan qaran (National Army)
  • Sareynta Sharciga oo si Cadaalad ah wax loogu xukumo (rule of the law)
  • Hub ka dhigista maleeshiyaadka beeleysan oo dharka Ciidamada loo geliyay (disarming the militia )
  • Dib u dhiska Kaabayaasha Qaranka (infrastructure)
106150cookie-checkDib U Gocashada Dektetarnimada Oo Somalia Ka Hortaagan Demuqaraadiyada