Safarka USA Ee Muuse Biixi & Mudaaharaadyada Looga soo Horjeedo

Somalia news

Iyadoo Siyaasiyiinta degaanada Somaliland ayaa ku fashilmeen aqoonsiga mudo 30-sano ah ay ku raad joogeen, waxaa weli maanka ka tirmin isku-daygii ugu dambeeyay ee UK uu kusoo dhamaadey guul-darro, Safarkaan USA ee Muuse Biixi ayaa albaabkiisu yahay Addis abeba…

Muuse Biixi ayaa muddo sugayay safarka Washington, isagoo ka dhiganaya waxqabad maadaama ay doorasho ku soo food leedahay sanadkan oo Musharax u yahay Xisbiga haya talada ee Kulmiye, ayaa ku wehliya safarkiisa xubno Wasiiro sh & tiro Ganacsato ah kuwaasoo Fiisaha kasoo qaatey Safaaradda Mareykanka ee Djibouti, iyagoo ku safraya Baasabooro isku jir ah, maadaama midka Somaliland aan la aqoonsanayn.

Muuse ayaa sida ku cad Dal ku galkiisa USA wuxuu wataa Baasabor Soomaali oo laga bixiyay Magaalada Djibouti, halka tiro Wasiiro ay qaateen Baasaboro Somalia Djbouti, wuxuuna Mareykanka kula kulmi doonaa Jaaliyadda Somaliland, waxaana uu isku dayi doonaa inuu raadiyo Mas’uuliyiin kamid ah Maamulka Biden, oo la kulmo, isagoo suuq-geynayo Madaxbanaanida Somaliland, oo mudo 30 sano la waysan yahay.

Waxaana lagu wadaa in Banaanbaxyo looga soo horjeedo safarkiisa lagu qabto magaalooyinka uu booqanaayo kuwaasoo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Koonfur Galbeed oo dacwad ka gudbiyay barakicintii reer Koonfurta Laascaanood lagu sameeyay 2021.

174640cookie-checkSafarka USA Ee Muuse Biixi & Mudaaharaadyada Looga soo Horjeedo