Cabasho Ka Soo Yeereysa Xujeyda Soomaalida ee Gudaneysa Acmaasha Xajka Sanadkaan..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa cabasho ka soo yeereysa Xujeyda Soomaalida ee sanadkan soo gudaneysa acmaasha Xajka, iyagoo ka cabanaya adeeg xumo baahsan oo jirta, xili dhaqaale fara badan laga qaatay, laguna wargeliyay in aan loo heynin meel ay seexdaan iyo Gaadiid ay adeegsadaan…

Wararka ayaa sheegay in Qaar kamid ah Xujeyda oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka ay wajahayaan, iyagoo sheegay in xili Xajka uu bilow yahay ay wajahayaan caqabado fara badan, waxeyna quus ka muujiyeen sida ay ula dhaqmayaan Mas’uuliyiinta Wasaarada Diinta, Awqaafta iyo Guddiga Xamlada ee arrimahaasi loo xilsaaray.

Xujeyda qaarkood ayaa sheegay iney jirto Gaadiid xumo baahsan iyo Hoy la’aan isagoo sheegay in 11,500 Xujey ah loo sheegay iney isticmaalaan 8,000 oo joodaari, wuxuuna shaaciyay ineysan garaneynin sidey isu gaarsiin lahaayeen.

Arrimaha argagaxa leh ayaa ah in mid kamida Xujeyda Soomaalida uu ku geeriyooday dalkaasi Sucuudiga, halka laba kalena ay dhaawacyo la il-daran yihiin kadib markii uu jiiray gawaari, maadaama ay waayeen guddigii hagi lahaa.

262470cookie-checkCabasho Ka Soo Yeereysa Xujeyda Soomaalida ee Gudaneysa Acmaasha Xajka Sanadkaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com