Ma Dhabaa in Boliiska Qatar ay si Qarsoodi ah uga Qoranaayeen Dhalinyaro Somalia..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal lagu qabtay 20-kii bishaan Saraakiil ka tirsan Hey’adaha Amaanka Qatar kuwaasoo doonaayay iney si sharci darro u qaadaan 64-Qof oo Somali kuwaasoo loo waday Dalka Qatar si ay uga min noqdaan Boliiska Dalkaasi…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Sheekada ku kedaaman Tahriibinta Dadkaan ay soo bilaabtay 2017-kii xiligaasoo la sheegay in Boliiska Dowladda Qatar ay oggolaadeen iney si hoose loo soo qoro 2000 oo Soomaali ah, waxaana loo xil saaray 2-Nin Soomaali heystana dhalashada Dalka Qatar laguna kala magacaabo Khaalid oo (Beesha Mobleyn) u dhashay iyo Maxamed Saleymaan (Beesha Dir).

Saraakiishaan ayaa la sheegay iney dhaqaale ku qaateen in 1200 Nin ka qoraan degaanada Somaliland, iyadoo Shaqsigii loo sheegay inuu bixiyo 3000-US$, khilaaf xoogan iyo muran ayaa hareeyay Qorista Dadkaan, Bartamihii Bishaan ayeey Labada Nin soo dageen Hotel Decale ee garoonka Diyaaradaha waxeyna bilaabeen iney si hoose u qortaan dhalinyarada Beelaha ay ka soo jeeda taasoo guux iyo khilaaf ka dhalisay gudaha Hoteelka waxaana soo fara geliyay Saraakiisha NISA ee Garoonka oo xirxiray 2-da Nin iyo 64-Qof, iyadoo qorshu ahaa in 500-700 qof laga qaado Konfurta Somalia.

Saraakiishaan laba Kaarlayaasha ah ayaa la sheegay iney la heshiiyeen 2-xubnood oo ka tirsan Shirkadda Sahal iney Dadkaan Busas ku soo qaadaan Hoteelkana la keeno si wareysiyo ula yeeshaan, Hogaanka NISA ayaa soo saaray in la xiro dhamaan Dadkaan, inkastoo uu soo fara geliyay Danjiraha Qatar ee Mogadishu, wuxuuna ku guuleystay in 23-kii Bishaan loo sii daayay Labada Sarkaal Somali/Qatar, kuwaasoo ka dhoofay Dalka, Xiisadaan ayaa waxaa saameyn ku yeeshay Wasiiro iyo Xildhibaano.

Maamulada Dalka gaar ahaan Hey’adaha Amaanka ayaa ka gaabiyay iney wax ka qabtaan dhacdadaan oo kale, iyadoo Dalka Qatar uu ku xadgudbay Shuruucad Dalka isla markaasna si toos ah Dhalinayaro si suuq madow ah uga qortay qaab beeleedna loo soo xulay, ku darsoo Dhaqaalaha ku baxaaya waxaa bixinaayay dhoofinta Dowladda Qatar.

273820cookie-checkMa Dhabaa in Boliiska Qatar ay si Qarsoodi ah uga Qoranaayeen Dhalinyaro Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com