Maxaa Sanadkaan Muhiim Ka Dhigaaya Madaxtinimada Hogaanka Dalka

Somalia news

Doorashada Dalka oo muddo soo jiitameysa, maalmo kooban ay ka harsan tahay xiliga kama dambeysta loo qabtay (15-03-22), sida uu dhigaayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo cadaadis xoogan kala kulmaaya Wakiilada Beesha Caalamka & Shacbiga Soomaaliyeed…

Inkastoo ay tiro kooban ay ka harsan yihiin tirada Xildhibaanada (275-Xubnood), Aqalka hoose, hadana waxaa durbadiiba soo shaac baxaaya Isbaheysiyo iyo Is-gaashaanbuureysi loogu hanqaltaagaayo Xilka Madaxweynenimada Dalka, ilaa hadda in ka badan 20-Musharax oo miisaan culus ku leh masraxyada siyaasada ayaa cadeeyay mowqifkooda.

Prof.Kabire oo ah Aqoonyahan ku xeel dheer Siyaasada arrimaha Amniga gudaha ayaa farta ku goday ” mar kasta oo ay doorasho soo dhowaato waxaa caado u ah Kooxaha siyaasada meherada u ah iney dhistaan Isbaheysiyo ka soo horjeeda Mas’uulka xilka haya, wuxuu isbaheysigaasi burburaa marka la gaaro codeynta Xildhibaanada 2-da Aqal.

Wakhtigaan xaadirka ah waxaa 80% ku dhow tirada Xildhibaanada cusub, iyadoo sanadkaan uu ka duwan yahay sanadihii tagay Waxaa loo baahan yahay hogaamiye dulqaad badan oo Dadka isku soo duma oo aan kala qeybin loo xusho Madaxtinimada Dalka, ” si Dadkeena aan u dhex dhigno Heshiis guud waa in la helaa Hogaamiye maala Maskax caafimaad qabta tanaasul badan ka muuqato Hogaamintiisa.

174610cookie-checkMaxaa Sanadkaan Muhiim Ka Dhigaaya Madaxtinimada Hogaanka Dalka