Farmaajo Oo Dhabar jebin ku haya Musharixiinta Hawiyaha & Daaroodka

Somalia news

Sida aan ka soo xigannay ilo loo qaateen ah, waxaa qarka u saaran inuu burburo, is gaashaan-buureysi, bilihii ugu dambeeyay ay wadeen Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqan oo ka soo kala jeeda beelaha Digil iyo Mirifle iyo Dir…

Qorshahaan ayaa wuxuu bannaanka u soo saaray isbahaysi ka dhexeeya labadaan Beelood, kaasoo ay ku doonayaan in ay Sanadkaan wax kaga baddellaan, awood qeybsiga muddada soo taagnaa ee ku aaddan saddexda kursi ee ugu sarreeya dalka,waxaana gadaal ka riixayeen Siyaasiyiin & Odayaal dhaqan iyo, ay ku jiraan Boqor Buurmadow, Mahdi Guuleed iyo Cabdicasiis Laftagareen, ayay hadda ku dhex rafatay Madaxtooyada Somalia, taas oo sababi karta inuu fashilmo qorshihii hore.

Kulankaan oo ka dhici lahaa magaalada Baydhabo, oo lagu saxiixi lahaa awood qeybsi rasmiga ah, hayeeshee, xogo hoose, ayaa sheegaya, in qaar ka mid ah, xildhibaannada Dir, ka soo ka cudurdaarteen ka qeyb galka kulankaas noocaas ah maadaama la beddalay ajandihii hore.

Shakiga la xariira, burburka Isbahaysiga labadan Beelood, ayaa sii xoogeystay isbuucii hore, kadib markii, la ogaaday in Farmaajo iyo Fahad Yasiin, billowga bisha Ramadaan u safri doonaan magaalada Baydhabo, si ay u xirtaan Xildhibaanada labada Beel oo hadda shakiga hareeyay, Farmaajo, ayaa si weyn ula dhacsanaa qorshahaan intii lagu guda jira abaabulka isbahaysigaan, isagoo doonayay in Musharax ka tirsan Midowga Musharixiinta, uusan helin kursiga, bacdamaa isaga cunaqabateyn la saaray rajana ka qabin inuu Kursiga hanto.

174890cookie-checkFarmaajo Oo Dhabar jebin ku haya Musharixiinta Hawiyaha & Daaroodka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com