Maxaa Dowlada Kenya ka Hortaagan Xakameynta Kooxda Argagixisada ee Weerarda ku qaada Degaanada Xadka..

Africa News Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa daaha ka rogeysa in Degaanada Laamu, Gaarisa, Wajer iyo Mandheera Muddo hal bil gudaheed ah, kooxda argagixisada Shabaabka, ka fuliyeen ugu yaraan 10-weerar, iyagoo ku dilay 22-ka mid ah Saraakiisha Amniga iyo Dadka Rayidka, tiro ka badana ay ku dhaawacmeen…

Sare u kaca weerarrada kooxda Shababka ayaa la diiwaangeliyay wax yar ka dib markii Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen in dib loo furo xuduudaha si loo fududeeyo isu socodka xorta ah ee dadka iyo badeecadaha si loo kiciyo kobaca dhaqaalaha ee u dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho.

Madaxweyne William Ruto ayaa meesha ka saaray in kororka weerarada Shabaabku ay sabab u yihiin dib u furida xadka ay la wadaagaan Somalia, isagoo ciidamada amniga faray iney heegan buuxo galaan, wuxuuna Mr.Ruto ku dooday in go’aanka ay dowladdu qaadatay uu ahaa kii ugu wanagsanaa ee dalka ka jira inkastoo caqabado amni ay dhawaanahan ka dhaceen Lamu, Wajer, Garissa iyo Mandheera.

263560cookie-checkMaxaa Dowlada Kenya ka Hortaagan Xakameynta Kooxda Argagixisada ee Weerarda ku qaada Degaanada Xadka..