Awood-sheegashada Maxkamadaha iyo Difaaca Xuquuqda Maamulka & Muwaadinka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qoraal qabasho ah oo uu soo saaray Gudoomiyaha Maxakamada Gobolka Benadir lidna ku ah Mas’uul ka tirsan degaanada ku teedaan Gobolka Benadir, talabaadan ayaa u muuqata mid meel kac ku ah Mas’uul maamul Bacdamaa uusan dalku laheyn Maxakamad Garsoorka Maamulka…

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha ayaa lagu sheegay in Maxkammada Gobolka Benadir, Maxkamada Rafcaanka iyo Maxkamada Sare, kuwaasoo shaqo maalmeedkoodu Sharcigu siiyay ku guda jira, booqasho dhuleedna ku tagay degaanka Garsabaley, ayuu si cad uga horyimid shaqadooda, wuxuuna ku xadgudbay Qodobada kala 267, 265, 263, 250, 2s,1 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Wuxuuna ku amray Taliska Ciidamada Boliiska Gobolka Benaadir in la soo qabto Maxkamadana la horkeeno Mas’uulkaan, Talaabadaan ayaa u muuqata ku takri fal awoodeed ee Gudoomiyaha Maxkamada bacdamaa uusan awood u laheyn inuu qaado Dacwadaha Maamulka, iyadoo ay markii ugu horeysay ay isku dhacaan Madaxda Degaanada ku teedsan magaalada Mogadishu iyo kuwa Maxkamadaha oo qaada dacwado dhul oo la isku heysto.

224740cookie-checkAwood-sheegashada Maxkamadaha iyo Difaaca Xuquuqda Maamulka & Muwaadinka