Ma Dhabaa in Xasan Sheekh uu Xilka ka qaadaayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu go’aansaday inuu Xilka ka qaado Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, isla markaasna uu xilkaasi u magacaabi doono Mas’uul kale oo ku beel ah Madaxweynaha..

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xilkaasi loo magacaabo Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab), Xilkaan ayaa haya magacabaya Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, isagoo xilkaasi ka qaaday Mr.Suleymaan Maxamed Maxamuud oo hadda xafiiska, kana soo jeeda Degaanada Puntland.

Mr.Muungaab ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo wuxuuna kamid ahaa madaxda Hay’addaha Garsoorka., Xeer ilaaliyaha Qaranka ee Xilka laga qaaday ayaa xilkaasi u magacaabay Farmaajo.

221080cookie-checkMa Dhabaa in Xasan Sheekh uu Xilka ka qaadaayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka..