Danwadaagta Siyaasada Oo Oday-Dhaqankii Soomaaliyeed ku Dhumiyay Rabitaankooda

Somalia news

Dalka Somalia burburkii Dowladnimo kadib, Waxaa si gaabis ah u howlgalaayay Odayaasha Dhaqanka kuwaasoo duruufo kala duwan ku soo dhex noolaa si Maxkamad ugu noqdaan Dadka dhibaatada kala tirsanaaya bacdamaa aysan jirin Dowlad & Maxkamad si Cadaalad ah u kala saarta…

Xiligaan waxaa soo food saartay Odayaasha Dhaqanka cabsi jiritaanka salka adag ku dhisnaa, halis Xoogagana ugu jirto iney burburaan, bacdamaa ay ku milmeen Siyaasada, Qaab howleedka Odayaasha & xeerbeegta Dhaqanka waxa ay ka mid ahaayeen qeybaha fara ku tiriska ah ee ka badbaaday burburkii bulshada ku habsaday Somalia.

Hase yeeshee xiligaan waxaa muuqda ififaalo muujinaaya in waayihii Dhaqanku ahaa geed magool la harsanaayay uu dhamaad ku dhow yahay, iyadoo loo sababeynaayo dan-wadaagta Siyaasadeed ee doonaya iney u maraan Xukunka & Saameynta Siyaasada, waxaana hoos u dhac ku yimid talooyinkii ay ku lahaayeen soo Xulista Kuraasta Beelaha kadib markii loo adeegsaday dano siyaasi.

Isku milinka Dhaqanka & Siyaasiyiinta:-
Khilaafka & kala shakiga saami qeybsiga kaltanka Jufooyinka ayaa noqday boogta ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka, waxeyna talaabadaasi horseeday in la kala tirsado eedo la kala qaado cuqdado ayna Jufooyinka qaarkood ku riixday iney dhistaan Duubab dhaqmeed cusub oo aan aheyn kii la isku waafaqsanaa.

Waxaa xusid mudan in tabashada jufooyinka Beelaha kala tirsanayaan si degan lagu xaliyo, maxaa yeelay xiligaan adag ee baahidu badan tahay Oo kooxda Danleyda Siyaasada ku rati kacsanayaan gaarista yoolkooda la joojiyo dhaqaalaha la qaadanaayo, dibna Odayaasha Dhaqanka ugu noqdaan kaalintoodii dhex dhexaadnimo si ay u kasbadaan kaalintoodii Shacbiga hoos yimaada Beelaha ay metelaan.

175330cookie-checkDanwadaagta Siyaasada Oo Oday-Dhaqankii Soomaaliyeed ku Dhumiyay Rabitaankooda