JADWALKA DHAMEYSTIRKA DOORASHADA OO LA SOO SAARAY & MAAMULO DIIDAY

Somalia news

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray jadwalka hannaanka loo marayo isu keenista, Shahaado bixinta iyo Dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, iyadoo ay ganafka ku dhufteen Maamulada K/Galbeed & Galmudug..

Guddigaan ayaa sheegay in 14/4/2022 la dhaarinayo Xildhibaanimada labada aqal, inta ka horreysana la dhameystiri doono jadwalka geedi-socodka doorashada, waxeyna talaabadaan u muuqataa mid soo af jareysa Xulashada dadban oo muddo 2-sano soo jiitameysa.

Qoraal ka soo wada baxay Xarumaha Koonfur Galbeed & Galmudug ayaa lagu yiri Dowladahaan waxay caddaynayaan inaysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna warqadda soo baxday aysan ahayn mid dhaqangal ah.

175260cookie-checkJADWALKA DHAMEYSTIRKA DOORASHADA OO LA SOO SAARAY & MAAMULO DIIDAY