Shaqaalaha (Malaamimeyda) Muqdisho Oo Wajahaaya Xaalado Adag

Somalia news

Magaalada Muqdisho ayaa xiliyadaan waxey marti u tahay Waddooyin la jaray, Burbur ah oo biyo ay dhax-ceegaagaan, halka qeybo kale ay marti geliyaan noocyada qashinka kala duwan isugu jira iyo laamiyo ay karkaarada jabeen ayaa gacmaha ku xaaqayaan Haweenka iyo Wiilasha ka diiwaan gashan gobalka Banaadir ee loo yaqaano (Malaamileyda)….

Kooxahaan ayaa Xiliyada qaar waxay la kulmaan xaalado Khatar ku ah Naftood a oo halis geliya, waxaana la duma laamiyada qaar oo ay biyo maasheeyeen ama miinooyin la kulma, Sidoo kale waxay howshaan ku fuliyaan iyadoo uu socdo roob xoogleh gudaha magaalada Muqdisho.

Shaqaalahaan ma heystaan qalab ay shaqada ku qabtaan markii laga reebo Iskoobo, Badiil iyo Qashin Gure, kuwaasoo aan waxba ka gelin qashinka biyaha soo qaaday ee Fadhiya Laamiyada Muhiimka ah ee Muqdisho.

“Waxaan dalbanay in nala fasaxo inta roobka ka istaagayo ama waddooyinka laga saarayo Biyaha fadhiya waana noola diiday, maxaan xaaqnaa hadda halkaan eeg, qashin iyo carro ayaa ku dhagan yaa ka fujin kara,” ayey Caasimada Online u sheegtay haweeney ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar.

Dhaqaalaha (Canshuuraha laga qaado Shacbiga Magaalada Muqdisho ku nool ayaan loogu qaban Howlaha adeega bukshada iyo daryeelka, waxaana la sheegay in dhaqaalaha loo adeegsado dano shaqsi ah, iyadoo xiligaan uu Dalka ku jiro marxalad kala guur ah, Waxaana baaq loo jeediyay Maamulka Wareegtada ku magacaaban iney u adeegaan Bulshada Magaalada Muqdisho.

48810cookie-checkShaqaalaha (Malaamimeyda) Muqdisho Oo Wajahaaya Xaalado Adag