Ma Dhabaa in Muranka Doorashada Konfur Galbeed uu galay Xaalad Adag

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in saacadihii ugu dambeeyay ay Safiirada USA & UK ay u kla dab qaadaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Konfur galbeed, si loo qabto Shirka Nabadeynta uu ku baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Beesha caalamka ka wal-walsan tahay in Khilaafkaan uu xagal daacin ku keeni karo dagaalka argagixisada, waxayna ugu baaqeen in aan la siyaasadayn, Mr.Laftagareen, ayaa u sheegay Safiiradaan in uusan diidanayn Shirka Wadatashiga balse dib loogu dhigo.

Iyadoo wararku ay sheegayaan in Aadan Madoobe uu culays xoogan ka saaran yahay gudaha Baarlamaanka, wuxuuna rabaa inuu u weeciyo dhanka Lafta gareen, wuxuu ku jiraa diyaar garow Siyaasadeed, waxaana uga harsan mudo xileed kiisa ilaa 8-maalmood.

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo loo diiday iney degaankooda tagaan, ayaa waxey sheegeen ineysan u aqoonsan doonon Madaxweyne 18-ka wixii ka dambeeya iyagoo si cad u sheegay in xiligaan ku guda jiraan diyaar garoow dagaal myddo kororsina aysan aqbli doonin.

Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed, ayaa la filayaa dhawaan iney qaataan heshiis siyaasadeed oo khilaafka Diorashada xal laga gaaro oo doorashada laga gaaro inkastoo uu muddo kororsi hal sano uu sameystay Lafta gareen.

230700cookie-checkMa Dhabaa in Muranka Doorashada Konfur Galbeed uu galay Xaalad Adag
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com