Waxaa soo shaac baxaaya in Cabasho aad u balaaran ayaa waqtigan ka soo yeereysa shaqaalaha dowlada hoose ee Mogadishu, kuwaasoo sida ay sheegeen aan wax mushaar ah helin labadii bilood ee la soo dhaafay…
Shaqaalaha ayaa cabashadooda u gudbiyey maamulka Gobolka Banaadir, balse Duqa Magaalada ayaa iska dhaga tiray qeylo dhaanta ka soo yeereysa shaqaalihii uu Mas’uulka ka ahaa.
Mushaar la’aanta shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmeysa, xilli madaxda maamulka ay wadaan xatooyo iyo boob ay kula kacayaan dhulka dadka dan yarta ah, waxaana cabashadan ay ku biireysaa wal walkii laga qabay sida ay u socoto Canshuur uruurinta, iyadoo Dadka iska leh guryaha qori caaradiis looga qaaday 6-bilood ee soo socota si hormaris ah.