Wararkii ugu Dambeeyay ee Magacaabista Wasiirka 1-aad Ee Dowlada Federaalka

Somalia news

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, ayaa lagu wadaa in 72 saac ee soo socota uu magacaabo Ra’iisul Wasaaraha cusub, isagoo wada kulamadii & Wareysiyadii uu la yeelanaayo Musharixiinta u taagan iney Xilka qabtaan…

Ilo-wareedyo loo qaateen ah ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news, in Madaxweynaha uu bilaabay saacadihii lasoo dhaafay la-tashiyada ku aadan soo xulista Ra’iisul Wasaaraha iyo kala hufida CV-yada Musharaxiinta isku soo taagay kursiga oo kor u dhaafaya 20-xubnood oo ay ku jiraan Musharixiin Dumar ah.

Sidoo kale, Saaxiibada Madaxweynaha iyo Maamulada Dowladdaha wadaayga dhow la ah, ayaa wada dadaalo ay doonayaan in xubnaha ay wataan ay ku qanciyaan Madaxweynaha inuu u magacaabo Ra’iisul Wasaaraha, Balse Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu iska diiday magacaabista qof uusan soo xulan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiisyada Madaxtooyada ayaa laga soo xigtay, in Madaxweynaha uu door bidayo magacaabis Musharax aan Da’diisu ka weyneyn 45 sano, kuna cusub saaxada siyaasadda, sidoo kalena la falgali kari siyaasaddiisa, ayna wada shaqeyn karaan ugu yaraan 3 sano. Go’aanka ayaa haddii uu jiro meesha ka saaraya damaca Musharaxiin Saaxda siyaasyada muddo ku soo dhex jiray.

194320cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay ee Magacaabista Wasiirka 1-aad Ee Dowlada Federaalka