Kooxda Argagixisada Shababka Oo Weerar ku Qaaday Degaanka Xawaadle

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay kooxda Argagixisada aroortii hore ee saakay ku qaaday degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoo Jugta qarax xooggan iyo dhawaqa hubka culus oo saaka laga maqlay degaano fog…

Wararka ayaa sheegay in weerarkaas oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Shabaabka iyo Ciidamada ku sugan Xawaadley, war ka soo saaray weerarkaas ayaa sheegtay in ay qabsadeen degaanka Xawaadley islamarkaana askar iyo saraakiil badan ku laayeen.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare xooggan ka dhashay weerarka inkastoo aan weli tira koob sugan laga helin, iyadoo Taliyihii Guutada 3-aad Qaybta 27-aad ee Milatariga Somalia G/Sare Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey) ayaa sida la xaqiijiyay kamid ah dadka ku geeriyooday weerarkaasi.

237530cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka Oo Weerar ku Qaaday Degaanka Xawaadle