Askar Cadaalad U Raadisay Shacab La Dilay

Politics

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buur hakaba ee Gobolka Bay ayaa sheegaya In xiisado colaadeed oo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Konfur Galbeed ay degmada ka taagan tahay, kadib markii uu dagaal dhexdooda ka qarxay…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in is-rasaaseyntani ay ku geeriyoodeen ilaa 4-askari oo degaanka ka wada tirsan, xiisadan ayaa salka ku heysa Dilka 2-qof oo rayid ah, Dadkaan ayaa la sheegay in fal dhacay maalintii Jimcihii lagu dilay, kadib markii rasaas lagu furay gaari taagnaa Isbaaro degmada ku taal.

“Ciidamo ka careysan Falka lagu dilay labada qof ee rayidka oo ay ku dalbadeen In lagu soo wareejiyo Kuwa dhibka geystay” ayuu sheegay Wariye madax banaan oo xaalada la socda, Maamulka Degmada iyo kuwa Ciidamada ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan dhacdadaan.

Ehelada Dadka la dilay ayaa dalbaday iney Cadaalad helaan, waxeyna ku booriyeen in Maamulka Konfur Galbeed uu soo dhex galo xiisadaan oo wax ka xaliyo, Degmada Buur hakaba ayaa xiliyadii ugu dambeeyay ay ka jirtay Xasilooni, inkastoo Magaalada ay Maamulka Dowlad goboleedka gacanta ku hayaan hadana waxaan duleedka degmada ka taliya Kooxda argagixisada Shabaabka.

24700cookie-checkAskar Cadaalad U Raadisay Shacab La Dilay