Xoogaga Amaanka UK Oo Baaraya Tacadiyada Dhanka ka ah Muslimiinta Masaajida

World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Baaritaano ay bilaabeen Xoogaga Amaanka Boqortooyada UK, kaasoo salka ku hayo Isir naceyb lagu hayo Muslimiinta ku nool Dalkaasi, iyadoo Dhacdooyin laba ah oo kooxaha Maylka adag ee Islam naceybka Dalkaasi ka geysteen magaalooyinka Birmingham iyo London..

Boliiska Dalkaasi ayaa sheegay iney baaris iyo hubin ku hayaan laba dhacdo oo Falal ah oo midi dhacay Bishii tagtay halka kan kale oo horaantii bishaan dhacay, kadib markii Nin kasoo baxay Masaajidka Dudley Road ee Magaalada Birmingham lagu seyray Dareere kadibna dab la qabad siiyay, iyadoo Dhibanaha ka soo gaaray Dhaawac culus oo gubasho ah.

Iyadoo Baarayaasha Boliiska ay sheegeen in Dhacdada kale oo ka dhacday dhamaadkii bishii hore degaanka Ealing ee Galbeedka Magaalada London kaasoo uu ku geeriyooday Oday 82-sano jir ah, Marxuumka ayaa hortaagnaa Masaajid hortiisa kadib markii ay weerareen kooxo Islam naceybka.

247790cookie-checkXoogaga Amaanka UK Oo Baaraya Tacadiyada Dhanka ka ah Muslimiinta Masaajida