17-Qof oo Dagmada Afmadow ugu geeriyooday Cudurka Shuban Biyoodka

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in 17-Qof oo isugu jira Caruur iyo Dad da’ah ay cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen xarunta karantiilka ee isbitaalka degmadaasi…

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland oo gaaray Dagmadaasi ayaa deeq dawo iyo raashiin ah gaarsiiyay dadka cudurka shuban-biyoodka uu soo ritay ee ku dhaqan degmada Afmadow.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jeemis oo dhawaan gaarsiiyay degmadaasi deeq Daawo ah oo Wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA sheegay in dadka uu soo ridanayo shuban biyoodka ay sii kordhayaan marba marka ka dambeysa.

Sarkaalka ayaa sheegay “Dhimashada haatan waxay gaareyso 17-Qof dad badana way la ildaran yihiin Shubanka oo mar walba dadka uu soo ridanayo ay sii kordhayaan, maadama Ceelashii biyaha macaan ay gureen oo biyaha la cabo haatan ay yihiin kuwa dhanaan ah taas oo sii kordhineysa in cudurka uu kordho dadka uu soo rosanayo”.

247820cookie-check17-Qof oo Dagmada Afmadow ugu geeriyooday Cudurka Shuban Biyoodka