Sacuudiga Oo Ku Fashilmay Inuu Ka Mid Noqdo Guddiga Xuquuqda Aadanaha UN-ka

World

Boqortooyada Saudi Arabia ayaa ku fashilantay inay mar kale xubin ka noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo ay dooneyso in loo doorto tartan adag oo 5-ta dal ee Aasiya uga mid noqonaya saddexda sano ee socota….

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ka kooban 47 dal, waxaana codeyntu u dhacday si qarsoodi ah, iyadoo 193 dal oo Q/Midoobay ka tirsan ay codkeeda dhiibteen, balse Sacuudiga ayaa helay codkii ugu yaraa dalalka Aasiya oo natiijadii noqotay:

Pakistan: 169 cod
Uzbekistan 164, cod
Nepal 150 cod
China 139 cod
Saudi Arabia 90 cod.

Sacuudiga ayaa sidaas ku waayey in mar kale loo doorto Guddigaan, isagoo sanadkii 2016 oo aanu tartan gelin uu ku guuleystay 152 cod. Guddiga ay dowladda Sacuudiga ku fashilantay waxaa kaloo loo dootay dalalka kala ah.: Bolivia, Britain, China, Cuba, France, Gabon, Ivory Coast, Malawi, Mexico, Nepal, Pakistan, Russia, Senegal, Ukraine iyo Uzbekistan.

66410cookie-checkSacuudiga Oo Ku Fashilmay Inuu Ka Mid Noqdo Guddiga Xuquuqda Aadanaha UN-ka