Xog:-Imaaraatka Carabta oo Gaadiid Dagaal & Agab ka dajiyay Dekada Magaalada Kismaayo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Deeq Gaadiid iyo agab kale oo Dowlada Imaaraatka Carabta (UAE) ay ku wareejisay maamul gobaleedka Jubbaland gaadiid, kuwaasoo la sheegay in loogu talagalay Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland..

Wararka ayaa sheegaya in Gaadiidkaan oo ka koobnaa noocyada kala duwan ee gaadiidka Toyota ee Ciidamada Isticmaalaan iyo hub, waxaana Markab siday uu kusoo xirtay dekedda magaalo xeebeeda Kismaayo, isagoo kasoo qaaday Dubai, in gaadiidkan iyo agabka kale ee ciidan, loogu talagalay ka qeyb noqoshada dagaalada looga xoreynayo argagixisada degaannada Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ma shaacin tirada gaadiidka iyo agabka kale ee ay siisay dawladda Imaaraatka, balse sawirro ay baahisay Madaxtooyada Kismaayo ayaa muujinaya in ay aad u badan yihiin gaadiidka ciidan ee lagu wareejiyay maamulka Axmed Madoobe.

247750cookie-checkXog:-Imaaraatka Carabta oo Gaadiid Dagaal & Agab ka dajiyay Dekada Magaalada Kismaayo