Gaadiid Dagaal Oo Lagu Qabtay Dekeda Boosaaso

Politics

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya in Maamulka Dekada ay xayireen 30-Gadiidka nooca dagaalka ee loo yaqaano Tiknikada iyo Kuwa Caafimaadka (Ambulances) oo uu soo iibiyay Ganacsade ka soo jeeda Beesha Wasiirka 1-aad Xasan Cali Kheyre…

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com u sheegay in Gaadiidka ka xayiray ee lagu qabtay dekada magalaada Boosaaso  ayaa waxa loo waday degaanka Galmudug iyo deeganada ku hareeraysan, Gaadiidkaan oo Hubkii la saari lahaa ay ku diyaarsan yihiin Magaalada Dhuusa mareeb, ayaa waxaa dibada ka soo iibiyay Ganacsade Nuur Cali Buubaal. Gawaaridaan ka soo jeedo beesha Murusade.

Iyadoo Wararka qaarkood ay sheegayaan in dhaqaalaha lagu soo iibiyay Gaadiidkaan ay qaybo ka mida ay bixisay shirkada Soma_Oil oo iyadu qandaraas lagu siiyay howlaha logistics ee qodida shidaalka ee degaanka iyo xeebaha Galmudug.

Maamulka Puntland ayaa waxa lagula taliyay in aysan fasaxin Gaadiidkaan dagaal inta lagu guda jiro xiliga isku diyaar inta doorshada lana sugaan dowlada cusub ee xilka dalka la wareegi doonto horaanta sanadka dambe, waxaana Maamulka Puntland looga digay dhibatada amni daro ee ka dhalan karta sii daynta gaadiidkaasi iyo aqabka la socdo.

26570cookie-checkGaadiid Dagaal Oo Lagu Qabtay Dekeda Boosaaso